Xiridda iyo Xayiraadda ay Dawladda Kenya Sheegtey In ay ku sameyneyso Xeryaha Qaxootiga oo Dawladda Soomaaliya Fajiciso ku Tilmaantey.

0
348

Dowladda Soomaaliya ayaa arin qalad iyo fijiciso ah ku tilmaamtay go’aan dowladda Kenya ay qaadatay oo ah in ay xireyso Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC ayaa ku sheegay in go’aanka Kenya mid siyaasadeed  isaga oo yiri” Kenya waxey isku qaldeysaa Arrimaha Siyaasadda iyo Banni’aadannimada”

Wuxuu sheegay Wasiir Dubbe in Qaxootiga Soomaaliyeed ay sharci ku joogaan dalkaas, Islamarkaana Kenya ay  ku hesho Malaayiin Dollar oo ay uga qaadato hay’addaha caalamiga ah ee Qarramada Midoobey.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in aan la soo celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo wali qaba walwalka markii horeba uu uga carrayay dalkiisa, balse qofka iskii u laabanaya uu isagu leeyahay doorashada go’aanka uu qaadanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa arintan la xiriirisay kiiska Badda waxaana uu yiri Wasiir Dubbe” “Xaqiiqda waxaa ay tahay in Kenya arrimo siyaasadeed darteed ay dooneyso in ay ku xirto xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma markii looga adkaaday Arrimaha siyaasadda sida Badda iyo Arrimaha Jabhadaha ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Laakiin Kenya ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid xiriir la leh nabadgalyada oo ah sababta ay xiryahan albaabada isugu dhufaneyso.

  1.