Waxaa kordhay tirada dhimashada ka dhalatay Qaraxii xalay lagu weerarray maqaaxi lagu iibiyo Jalaatada oo ku taala Waddada xiriirisa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Ilaa 8 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qaraxn uu fuliyay oo ismiidaamiye ah oo gudaha u galay maqaaxida oo watigaasi ah aheyd mid mashquul ah.
Qofka weerarkan geystay ayaa la sheegay in uu xoog ku jiiray waariyihii joogay waardiyihii goobta si deg deg ahna u fuliyay qaraxa.
Dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada ayaa cambaareeyay falka lagu qarxiyay dhalinyarada, waxaana ay ku baaqeen midnimo iyo in la xoojiyo dagaalka Al-Shabaab iyadoo Qaraxyadu ay Sii Socdaan Maantana Waxaa Qarax Ka Badbaadey Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho Axmed Waashiton.











