Nin Lagu Sheegay in uu Sixiroole ahaa oo Al-shabaab Dil Ku Fuliyeen.

0
970

Maxkamad kutaala magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay maamusho Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu sixiroole ahaa.

Qaadiga maxkamada ayaa ninkan oo lagu magacaabo Axmed Kusane Xasan ku eedeeyay inuu sixir u dhigay lamaane is qaba oo degan deegaanka Joorraha si uu u burburiyo guurkooda.

Garsooraha wuxuu sheegay sixirka in uu yahay riddo.

Maamulka Jilib waxay sheegeen inuu ninkaan dhib ku hayay dadka ku dhaqan tuulooyinka.

Al-shabaab ayaa horey dilal nuucaan oo kale ah ugu fulisay dad lagu eedeeyay inay ahaayeen sixiroolayaal iyo jaajuusiin.

Todobaad kahor waxaa degaanada Al-shabaab maamulaan lagu toogtay dhowr qof oo lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayaeen dowladda Soomaaliya iyo wadamada shisheeye.