Doorashada Dadban ee 2020/21 oo Barlamaanada Soomaaliya Si Wadajir ah U Meel Mariyeen.

0
727

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

252 Xildhibaan oo kamid ah mudanayaashii goobta ku sugnaa ayaa ogolaaday heshiiskaan. 2 xildhibaan ayaa diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

Waa markii ugu horeysay oo muddo kadib labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay siwadajir u meel mariyeen sharci ka yimid xukuumada.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadda laga sugayaa inay magacaaban guddiyadii doorashada maamuli lahaa, sida guddiga doorashada heer federal iyo heer dowlad goboleed.