Dalka Afqaanistan oo Madax weyne Kuxigeenkii Qarax Lagu Dhaawacay

0
756

Sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka dunida waxaa maanta qarax ka dhacay caasimadda dalka Afganistan ee Kabul ku dhaawacmay madaxweyne ku xigeenka waddankaas Amrullah Saleh.

Qaraxa ayaa loo dhigay kolonyo uu la socday bartamaha magaalada Kabul, xilli uu kusii socday xafiiskiisa shaqada,  sida laga soo xigtay laammaha ammaanka ee caasimadda .

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay Amrullah oo gacanta faashad cad kaga xerantahay,  kana soo baxaya xarun caafimaad oo looga dabiibay dhaawacii gaaray.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay lix ruux,  tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray,  laakiin weli cidna si rasmi ah uma sheegan.