Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay mamnuucday dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah ee dalka imaan jiray laga bilaabo maalinta Arbacada ah ee ku beegan 18 –bishaan Maarso 2020-ka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in amarka lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah uu ka dhaqan-geli doono guud ahaan dalka Soomaaliya, balse keliya la ogolyahay in ay dalka soo galaan duullimaadyada sida Gargaarka bani’aadanimo.





