Gudoomiyaha Xisbiga Siinaanta Midnimada Nabada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho.

0
1488

C/maalik Xasan TAXI Oo Ah gudoomiyaha Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda Ayaa Maanta Waxa Uu Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Waxaana Garoonka ku Soo Dhaweeyay Xisbiyada Siyassada Dalka Ka Diiwaan gashan.

Soo Dhaweyntani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Xisbiyada Siyaasada dalka, qaarkood.

Jaaha Ibraahim Xasan oo Ah Gudoomiye Ku Xigeenka 3’aad ee Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda ayaa Furey Munaasabada Isagoo Tilmaamey In ay Ugu Faraxsanyihiin Imaatinka Gudoomiye C/maalik oo Debedda Shaqo U Jiray ay Filayaan In Hawlahoodi ay Laban Laabi Doonaan Mar Hadii Madaxii Xisbiga Ugu Sareeyey Maanta Soo Gaarey Magaalada Muqdisho oo ah Halkii uu Ku Dhashey.

Sidoo kale waxaa munaasabaddani ka soo qeyb galay Cali Tima Jilic Oo Ah Gudoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Ahna Isku Xiraha Gudiga Doorashooyinka Iyo Axzaabta Dalka,Garabyadii Haweenka Iyo Dhalinyarada Xisbiyada.

Madaxda Xisbiyada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si farxadi ka muuqato Ugu Hadlay Goobta Ay Ka Dhaceysay Xaflada Lagu So dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiyada Sinnaanta Midnada Nabadda.

Gudoomiyaha Xisbiga M.Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ayaa Furitaanki Kadib  goobta ka hadlay wuxuuna si diiran u soo dhaweeyey Imaatinka gudoomiyaha Isagoona ballan qaadday in taageero mug iyo miisaan leh ay la garab istaagi doonaan Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda Si Dhowna Ay Kala Tashandoonaan Marxaladaha uu marayo dalka .

Cali Timo jilic ayaa dhanka kele Sheegay in ay aad ugu xunyihiin duqeymaha ay dowlada mareyka ku hayso dadka soomaaliyeed oo ay Ugu Danbeysay Xaley oo Qoys La Yiraa Reer Cumar Yuusuf Cabdi Korneyl oo aabihii Cumar yuusuf Hooyadii iyo 12 Caruur ah ay ku Geeryoodeen Jannaale Iyagoon Waxba Galabsan ayuu Yiri Gudoomiye Timajilic.

Sidoo Kale Wuxuu dowlada soomaaliya ugu baaqay in ay arimahaasi wax ka qabtaan loona baahanyahay dowlada dhibkaasi geestay in ay kula xisaabtamaan.

Ugu Dambeyn Waxaa Goobta Ka Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda C,/Maalik Xasan Taxi wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isagoo ugu horeen halkaasi ugu mahad celiyay madaxdii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha muqdisho .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday Xaalada uu dalka marayo iyo Wadooyinka muqdisho oo ay caqabdi ka jirto waxa uuna dowlada soomaaliyeed ugu baaqay in ay wax ka qabato arintaasi isagoona sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto Cid kasta oo cadaw ku ah umada soomaaliyeed .

Gun Iyo Gunaanadkiina Waxa uu Bulshada Reer muqdisho u sheegay in Doorkani yahay Doorkii Xisbiyada ay Dalka kaga hergeli lahaayeen islamrkaana loo baahanyahay in gacmaha lees qabsado.