Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Caabuqa Carono-Virus Oo Laga Helay Soomaaliya.

0
558

Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho waxay xaqiijisay in kiiskii u horreeyay ee cudurka Coronavirus laga helay muwaaddin Soomaaliyeed.

Foosiyo Abiikar ayaa muwaadinkaasi ku ku tilmaamtay in uu ka yimid dalka dibadiisa iyadoona sheegtay in lagu karantiilay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dibadda, mudda karantiil la geliyay, si looga baaro caabuqa koronavirus, kadibna midkood saaka laga helay caabuqaas, balse intoodi kale ay caafimaad qabaan.