Waqtigii Diiwaan-Gelinta Ururada Siyaasadeed Ee Doorashooyinka Puntland Oo Dhamaatay. .

0
586

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland waxay shaaciyeen in si rasmi ah uu u xirmay hannaanka diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Af-hayeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in habka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo soo bilowday 15-Dec-2019 uu soo xirmay beegan 15-Mar-2020, saacaddu markii ay ahayd 5:00pm Galabnimo.

Mudane Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa tilmaamey in hannaanka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo socday mudda saddex bilood ah uu ku soo dhammaaday si guul ah, islamarkaana wixii tafaasiil ah maalmaha soo socda uu guddigu shaacin doono.

Gudigga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafiyay diwaan geliyay ururo siyaasadeed oo qaar ka mid ah ay ku midaysan-yihiin siyaasiyiin caan ka ah deegaanada Puntland kuwaas oo qaarkood madaxweynayaal ka soo noqday.