M/weynaha Soomaaliya M Farmaajo iyo Muuse Biixi oo Ku Kulmay Adis-ababa.

0
364

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa halkaa ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay madax heer caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay  madaxweynaha  Golaha Midowga Yurub Charles MIchel. oo ay isla soo qaadeen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale looga hadlay kulanka taageerada Midowga Yurub ee ku aadan dowlad dhisida  Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles  MICHEL uu balan qaadey inay taageerada kordhin doonaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa uga qeyb galay Shirka 33aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu horey ula kulmey Madax kala duwan,waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo Madax kale.