Gudoomiye Kuxigeenkii Degmada Kaxda oo Qarax Miino Gaarigiisii Lagula Eegtay.

0
1073

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax degmada Dherkeenley lagula eegtay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay  ayaa lala eegtay guddoomiye Ku-xigeenka degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali oo la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaray halka qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen.

Gaariga uu la socday guddoomiye ku-xigeenka Kaxda oo ahaa nooca Soomaalida u taqaan Qooqan ayaa wax-yeelo soo gaartay.

Dhinaca kale Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen  cidamada AMISOM oo maraayay Isgoyska Ex Kontarool  Balcad ee degmada Huriwaa.

Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM, waxaana  jira khasaare ka dhashay inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.