Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin siyaasadeed iyo qalqal galin amniga oo gudaha ah.“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
DFS waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta.











