Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyey hay’adaha ay khuseyso in laga bilaabo 6 Feberaayo oo ahayd maalintii shalay ee Khamiista la xiro xafiiska Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Wasiirka wax faah-faahin ah laguma sheegin sababta loo xirey.
Sidoo Kale Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa xafiiska loogu yeeray in uu yahay Guddiga Doorashooyinka DFS, inkasta oo magaca guddigu yahay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (National Independent Electoral Commission) kaas oo la dhisey ka hor dowladda hadda jirta.
WARSOM.COM oo isku daydey in ay hesho sababta loo xirey xafiiska Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Puntland ayaa ogaatey in uu la xiriiro fariin ka baxdey telefishanka Dowladda Puntland kaas oo la xiriirtey arrimaha doorashooyinka Qaranka.
Isla maalintii shalay waxaa xilkii laga qaadey Agaasimihii Telefishanka Puntland Jamaal Carab Yuusuf, waxaana si kumeel-gaar ah xilkaas u sii haynaya ku-xigeenkiisa, WARSOM.COM uma suurta gelin in ay xaqiijiso in xilka qaadista Agaasimihii PLTV ay la xiriirto fariinta ka baxdey Telefishanka ee Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa deeq bixiyaashu ku siiyaan dhaqaale badan sida Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin dadweynuhu ka qaybqaataan, waxaana ka mid ah shaqooyinkooda wacyi gelin.
GMDQ ayaa xafiisyo ku leh dhamaan DOwlad Goboleedyada dalka.
Xiriirka Puntland iyo Dowladda federaalka ayaa maraya heerkiisi ugu xumaa, waxaana arintan imaaneysa iyada oo dhawaan dalku isu diyaarinayo doorasho aan la aqoon caynka ay noqon doono.










