R/W Khayre Oo Amar Ku Bixiyay In La Hakiyo Mashruuc Maanta La Saxiixay.

0
37

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray in la hakiyo Mashruuc saaka ay wada saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Hawlaha guud & Duqa Magaalada Muqdisho.

Mashruucaan oo ah horumarinta Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Banaadir & Garowe ayaa waxaa uu ku kacaayay 112 Milyan oo doolar.

Mashruucaan ayaa waxaa ka dhashay muran, waxaana dadka qaar baraha Bulshada ay isku waydiinayeen sababta Maamul Goboledyada si siman wax loogu qaybin waayay oo qaarkood looga tagay.

Amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu hakiyay Mashruucaasi.

Khayre ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono Mashruucaasi, islamarkaana si siman Maamul Goboledyada wax loogu qaybin doono, maadaama Maamulada qaar aysan ku jirin mashruuca.