Magaalada Boosaso oo Shir Uga Furmay Puntland iyo Jubaland.

0
665

Shir wadatashi ah oo udhexeeya Puntland iyo Jubbaland, ayaa ka furmay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha labada maamul.

Shirkan ayaa ku saabsan iskaashiga amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Waxaa kale oo shirka looga hadlayaa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya.

Labada maamul ayaa lagu wadaa isla galabta inay soo saaraan war murtiyeed ku socda dowladda federalka iyo beesha caalamka.

Labada madaxweyne ayaa shalay Bosaso ka sheegay in aan Soomaaliya lagu maamuli karin hal dhinac wixii kasoo yeera oo ay ula jeedaan dowladda federalka.