Qarax Ismiidaamin Oo InjineeroTurki Ah Lagula Eegtay Degmada Afgooye.

0
210

Sida Ay Sheegayaan Wararka aan ka helayno halka loo yaqaan Bood boodka oo ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Afgooye, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Kaasoo Lala Beegsaday Injineero Turkish Ah Oo Halkaasi Ku Sugnaa.

Qaraxa Ismiidaaminta, ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen Injineero Turki ah & gaadiid Ciidan oo la socday, waxaana wararka ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid si wayn looga maqlay Magaalada Afgooye.

Ilo wareedyo ayaa Dhacdo.com u sheegay gaari noociisa uu yahay NOHA oo waxyaabaha Qarxa ay ka buuxeen in lagu dhuftay gaadiidkii ay saarnaayeen Ciidanka & ragga u dhashay Turkiga.

Qaraxaasi Ismiidaaminta ah ayaa wuxuu sababay dhimasho & dhaawac soo gaaray Askartii la socotay gaadiidka Ciidanka.

Lama xaqiijin karo xubnaha Turkiga ah inay soo gaareen waxyeelo, balse dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi, ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.