Kenya oo Adkeysay Ammaanka Macalimiinta Ka Hawl Galaya G/waqoyi Bari.

0
629

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso Amaanka  Macalimiinta Gobolka Waqooyi Barri kaddib markii ay bartilmaameed u noqdeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Macalimiinta gobolka ayaa bilaabay in ay isaga cararraan deegaanka kaddib iyaga oo baqdin weyn ka qaba weerarro kale oo uga yimaada dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhowr jeero oo hore ku dilay macalimiin Dugsiyana Dab qabadsiiyay.

Prof. George Magoha oo ah Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada dalka Kenya ayaa sheegay in dowladdu xoogga daari doono sidii loo adkey lahaa Amniga Macalmiinta gaar ahaan kuwa aan ka soo jeedin gobolka Waqooyi Bari.

Dhawaan ayeey aheyd markiii weerar ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka lagu dilay Ardey iyo Macalimiin taasoo keentay in qeybaha kala ee gobolka ay isaga tagaan Macalimiintii ku sugneyd.

Kenya ayaa la daalaa-dhaceysa sidii ay uga hortagi laheyd weerarada Ururka Al-shabaab oo u muuqda kuwo joogta ka noqday gaar ahaan marka la eego saldhigyada ciidamada iyo goobaha waxbarashada.