Injineero Turkish ah oo Qarax Lagula Eegtay Wadada Muqdisho iyo Afgooye.

0
235
Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen injineerro Turkish ah.

Kolanyadaan ayaa lagu beegsaday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka Dhacdada Kadib,isagoon aheyn Kii ugu Horeeyey ee Lala Beegsado Injineerada U Dhashey Dalka Turkiga.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii dhawaan Al-shabaab ay sheegeen inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Turkiga.

Dhawaan ayay ahayd markii labo muwaadin oo Turkish ah ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay qarixii ex-cantarool Afgooye.