Shirka Shidaalka Dowladaha Afrika Oo Maanta Lagu Qabtay Koonfur Afrika.

0
160

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Todobaadka Shidaalka Africa oo sanadkan wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto ay uga faa’ideysteen inay ku soo bandhigaan macluumaadka shidaalkooda.

Waxaa kaloo shirkaasi ka qeyb galay shirkado caalami ah, dad maalgashadeyaal ah, iyo shirkadaha saliidda dhoofiya.

Wasiirka Batrolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shirkaasi ka sheegay in Soomaaliya ay u jiheysatay sidii ay uga faa’ideysan laheyd kheyraadkeeda Shidaalka.