Dowlada Djibouti Oo Ka Digtay Duufaan Kusoo Wajahan Geeska Afrika

0
45

Dowladda Djibouti aya maanta ka digtey waxyeelada ka soo gaari karta duufaan la sheegay inuu ku soo wajahanyahay xeebbaha Geeska Afrika.

Wakaaladda saadaasha hawada ee dalka Djibouti ayaa tilmaamtey in duufaanku aanu saameyn doonin Djibouti hase yeeshe daruurraha kasoo go’ay duufaanta ay ku keeni karaan Djibouti roobbab wata biyo fara badan iyo daadad.

Maxamed Ismaaciil Nuur Oo ah Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Saadaasha Hawada ee Djibouti ayaa warbaahinta u sheegay sida duufaantu ugu soo durkeyso xeebaha Geeska Africa.