Xilligii Qayla Dhaanta Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo Billawdey Ka Hortagna aan Hore Loo Sameyn.

0
43

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab  ayaa sheegtay in fatahaada Wabiga ay ka barakaceen ilaa 450 Kun oo Qaf, kuwaa ka cararaya fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Roobkii deyrta ee ugu xooga badnaa  uu ka da’ay degmooyinka Baladweyne, Jowhar Buulo-Burde iyo deegaano  kale kaa oo sababay in uu gabiyada jabsado Wabiga,

Xaalado Bani’aadannimo ayuu sheegay in ay wajahayaan dadka gaar ahaan kuwii ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne oo hadda ku sugan deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

Roobabka ayaa wali ka da’aya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo dhulka sare ee Itoobiya, kuwaa oo sii kordhinaya walwalka iyo baqdinta ay dadka ka qabaan korarka fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle.

Dadka Soomaaliyeed Dawlad ahaan iyo Shacabba Lama Garanayo Waxa U Diiday In ay ka Tabaabusheystaan ama U Diyaar Garoobaan Fatahaadaha Wabiyadu Sameeyaan Xilliyada Roobabku Da’aan Balse Waxaa Taas Badelkeeda ay Qabatimeen In uun La Maqlo Cabashooyinka Iyo Qayla Dhaanta Gargaarka Bani’aadanimo Ayuu Yiri Qabiir Saadaasha Cimiladda Ku Takhasusey oo Ka Hadley Dhibaatada ay Sanad walba gaystaan Fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya,Isagoona Intaa Ku Darey In Biyahaas La Qaban karo Lagana Faa’iideysan karo Hadii Xukuumad iyo Shacabkuba Usoo Jeestaan.