Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ku sugan wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo halkaa wada hadallo kula leh hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.
Wasiirka iyo hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ka wada hadlaya sidii meesha looga saari lahaa madmadowga ka dhashay magacaabista guddiga farsamada dhismaha maamul Galmudug oo ay dowladdu magacaawday, waxaana guddigaa saluug ka muujiyay mas’uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna oo sheegay in aan loo marin dariiqii saxda ah.
Kulamadii ugu danbeeyay ee ka dhacay Dhuusa-Mareeb ayaa lagu soo waramayaa in labada dhnac isaga soo dhawaadeen dhamaan qoddobadii laga wada hadlay, islaarkaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca .
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha socda halkaa ku wajahayn yahay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dhismaha Galmudug leysku wada raacsan yahay, walow dhinaca kale marka la eego ay jiraan caqabado waaweyn uu u baahan in laga gudbo.











