Kadib kulan maanta ay ku yeesheen Magalada Muqdisho Madaxda Xisbiyada, siyaasada dalka ayaa waxaa ay kasoo saareen War-Saxaafadeed ka kooban dhowr qodob oo ku socda gudiga ay baarlamaakna u xilsaartay dib u eegista xeerka doorashooyinka qaranka iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka oo looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay tacsi ugu direen madaxda xisbiyada dadkii maanta ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay ex-control afgooy iyagoona alle ugu baryay intii dhimadhaty inuu alle u naxariisti kuwa dhaacmayna uu alle bogsiiyo, Waxeyna Cambaareeyeen Qaraxyada Lagu Waxyeelaynayo Dadka Rayidka ah ee aan Waxba Galabsan.
Arrimaha Amniga, Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayay siwadajir ah uga dalbadeen inay isaga kaashadaan isla markaana ay sameeyaan Isu Tanaasul iyo Wada Hadallo Deg Deg ah Iyagoo Dhawraya Madaxbanaanida Qaranka iyo Sarreynta Sharciga Dalka U Yaal.
Dood iyo falaanqeyn kadib xisbiyada siyaasada dalka ayaa soo saaray war-saxaafadeedkan Oo Ka Kooban Dhor Qodob..





















