Xasan Shiikh Oo Ka Hadlay Aragtida Xildhibaan Sanbaloolshe.

0
437

Cabdilaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo soo hoogamiyay hay’ada Nabad-Sugida Qaranka ( NISA ) oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu rabo in si Siyaasada Soomaaliyeed si qaabilaysan loogu dhaqmo.

Hadalkaas ayaa dad kala duwan ay ka falceliyaan waana lagu kala aragti duwanaaday, Xisbiga UPD oo uu xubin ka yahay Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aragtida xildhibaanka ku tilmaamey mid isaga u gaar ah oo uusan aragtida Xisbiga ku matalin.

” Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha.