Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa casir liqii galabta waxaa Garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Galmudug, Wasiirada Dowladda Federaalka ee Dhuusamareeb ku sugan, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ay Magaalada Dhuusamareeb u taggeen, sidii ay uga qaybgeli lahaayen shirweynaha dib heshiisiinta beelaha Galmudug, oo maalinta Arbacada lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.
Dhuusamareeb ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay Ergooyinka beelaha Galmudug ku meteli doona shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha loo qabanayo.
Shirweynaha Dhuusamareeb lagu qabanayo ayaa laba jeer dib u dhac uu ku yimid, markaanse ah waxaa la rajeynaya in si rasmi ah uu Dhuusamareeb uga furmi doono afarta bishan September.
Beelaha Galmudug ayaa waxaa shirweynahan loo qabanaya, ka hor inta aanay dhicin Doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Galmudug.











