Wasiir Bayle “Soomaaliya Waxay Rajaynaysaa In 2020-ka Laga Cafiyo Daymaha Lagu Leeyahay”

0
529

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa oo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacgta Adduunka,  kaasi oo ay ku sheegtay ” In Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta 1-aad  wajiga 4-aad ee deyn cafinta.

”Wasiir Bayle ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga Afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta.

Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaala,  waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.