Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, kaasi oo noqonaya sharci rasmi ah oo la isticmaalo.
Farmaajo oo khudbad ka jeediyay xaflad ka dhacay xarunta looga arimiyo dalka [ Villa Soomaaliya ] ayaa u mahad-celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.
” Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon Ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin” ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.
Munaasabadda oo si toos ah uga baxaysay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano, saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano, culimada diinta, ganacsato iyo ururada bulshada rayidka ah.






