Shabakad Sida La Sheegay Ka Ganacsan Jirtay Caruurta oo Booliska Soomaaliya Gacanta Ku Dhigay.

0
440
Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen shabakad carruurta ka ganacsan jirtay oo siddeed haween ah iyo saddex rag ka kooban.

Taliye ku-xigeenka booliska, Jen Sakiya Huseen ayaa qoraal ay ku baahisay boggeeda Facebook ku sheeg in howlgalka ay fuliyeen hoggaanka dembi baarista ee CID. Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo furtay 11 carruur oo ay booliska oo ku sheegeen inay ahaayeen ‘beec sugayaal’.

“Ciidanka Booliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween.

Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.”ayay tiri Jen. Sakiya.