Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah.











