Dawladda Federalka oo Beenisay Odayaal ay Soo Bandhigeen Al-shabaab In ay ahaayeen Kuwii Soo Xulay Xildhibaanada.

0
404

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War- saxaafadeed ay ka soo saartay odayaal dhaqameedyo ay dhowaan soo bandhigeen Al-shabaab, kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen odayaashii soo xulay ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay, Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya. ayaa lagu sheegay in odayaasha ay soo bandhigeen Al-Shabaab aysan aheyn kuwii rasmiga ahaa. Islamarkaana ay yihiin kuwo been abuur ah, kuwaas oo ugeliyey koofiyado iyo cimaamado, ayna qasab uga hadal  siiyeen.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan, ku soo bandhigay  odayaal iyo ergooyinka soo doortay Xildhibaanada. Kuwaasoo ay u qabteen  muddo 45 cisho inay isku soo diiwaan geliyaan, waxaana illaa hataan ay  soo bandhigeen Odayaashii soo xulay ergooyinka soo doortay Xildhibaanada  Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya :-