Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis Caymis Ah Kala Saxiixday .

0
609

Heshiiskan caymis oo ay wada saxiixdeen labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda caymiska Islaamiga Soomaaliya ( First Somali Takaful and Re-takaful ) Maxamed Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga.

Heshiiskan ayaa gundhig u ah sidii ay  bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen shirkad caymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada caymiska, sida midka caafimaadka, tikidhada, baabuurta, Guryaha iyo wiixii la mid ah.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee cayymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda caymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda cayymiska dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur, ahna la-taliyaha wasaaradda maaliyadda ee Turkiga.