Maxay Tahay Sababta Muqdisho Loogu Xiray Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland?

0
382

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu xiray wasiirkii wasaarada Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, wasiirka oo safar u ahaa dalka Ethopia ayaa kusii hakaday Garoonka diyaarada ee Magaaalada Muqdisho. Waxaana halkaas ka xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Sababta keentay Xariga wasiirka waxaa si kooban uga hadlay Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Tamarta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Policeka Caalamiga ah ee Interpol iyo kuwa Soomaaliya ay xarigiisa iska kaashadeen.

“ Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada la dariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista Booliska Soomaaliyeed ( CID)ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Cidna kama baxsan karto Cadaaladda” ayuu yiri wasiirku.