Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Xukun Ku Riday Nin U Dhashay Dalka Britain.

0
471

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta ku xukuntay Andrew Braian Irlam Oo u dhashay dalka Ingiriiska ganaax lacageed oo gaaraya 7kun oo dollar kadib markii ay Maxkamaddu Ku heshay Qodobka 34-aad ee Xeerka Nabadgalyada guud.

Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka.

Laamaha ammaanka ee garoonka Aadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta, isagoo ka baxayay Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde.