Huggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho Ku Qabtey Waxa uu Kaga Hadley Dhinacyada Amniga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Dalka Isagoo Sheegay In Hoggaanka Qaranku Ka Leexdey Hawlihii Loo Igmadey ayna Ku Mashquuleen Duminta Maamul Goboleedyada iyo Iska horkeenka Bulshada Soomaaliyeed.
Hoggaamiye C/raxmaann C/shakuur Ayaa Sidoo Kale Ka Hadley Xaaladda Maamul Goboleedyada Galmudug,Jubaland,Iyo Puntland,Wuxuuna Yiri Dawladu Beryahan Galmudug Hawlaheedi Gaarka ahaa Wey Ka Qabsatey Ciidamana Wey Geysatee Waxaa Looga Fadhiyaa Sidii Ay wax u Dhisi Laheyd,Waana La Ogyahey in ay Sidii Koonfur Galbeed Rabto In ay La Wareegto Talada Dadka Deegaanka Iyadoo Adeegsaneysa Ciidamada Amisom Amisom Ha Ogaato In aaney Dalka u Joogin Hawlahaas Hana Ka Digtoonaato ayuu C/raxmaan C/shakuur Hadalkiisa Ku Darey.
Dhanka Kale Hambalyo Ku Aadan Sanadguurada 21’aad ee Kasoo wareegtey Aas Aaskii Puntlan ayuu Hoggaamiyuhu U Direy Madaxda iyo Shacabka Reer Puntland Isagoo u Rajeeyey Horumar iyo Nabad Federal Dimuquraadi ah oo ay Horseed ka Noqdaan.
Hoggaamiyaha Ayaa Dhaliisha Dawladda Ku Darey in aaney Usoo Jeedin Qaban Qaabada Doorasho Dalka Ka Dhacda ee ay Riwaayad Dadka U Dhigayaan Taasina aysan u Keeni Doonin Korosiimo iyo Ku Darsi ay Ku Haminayaan Maalin iyo Saacadna Aan Loogu Dari Doonin ayna Maamul Goboleedyada Iyo Xisbiyadu arintaas Isaga Imaan Doonaan Insha Allaah ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaban gabeeyey Hoggaamiye C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa Sidoo Kalle Shirka Jaraa’id Kadib Baraha Bulhada Lagu Baahiyey Warar Been abuur ah oo Sheegaya In Hogaamiye C/raxmaan Baabuurkiisa Qarax Loogu Xirey uuna Geeryoodey Taas oo Ah Been aan Waxba Ka Jirin Sida ay Noo Xqiijiyeen Ilo Ku Dhaw Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.
DAAWO: Shirka Jaraa’id ee Hogaamiyaha.












