Gudoomiye Baarlamaanka Oo Ka Qayb Galaya Shirka Afhayeenada Barlamaanada Afrika.

0
470

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dalka Koonfur Africa uga qeyb-galaya shirka afhayeenada Baarlamaanka Africa oo uu martigelinayo dalkaasi.

Maxamed Mursal ayaa yiri “ Anaga baan Africa waan kamid nahay, waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo barakacayaasha Africa, marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa, waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan, maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka, dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen, waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin African ”.