Dab khasaare gaystay ayaa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Nawaaxiga aargada ku taal bartamaha Magaalada Kismaayo ee xarunta kmg Maamulka Jubaland.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabkani uu “ ka dhashay shil koronto oo ka kacay mid ka mid ah xarumahaasi.
Kooxaha dab-damiska oo gaaray goobta, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay iney damiyaan dabkan oo kusii faafi lahaa meello kale oo hor leh. Welina lama shaacin khasaaraha ka dhashay.












