Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug qaybta Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in ay talaabo ka qaadayaan odayaashii dhaqanka ee u tagay ee u tagay Alshabaab kuwaas oo ka mid ahaa ergadii soo xushay Laba gole ee Aqalka sare iyo Baarlamaanka soomaaliya.
Taliye Maxamed ayaa ku sheegay in go’aankan ay odayaashaasi qaadeen uu yahay “ mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin, sidaa daraadeed u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.”












