Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay buuggaagta kala ah “Godob iyo Galad, Bidhaamiye iyo Gaso, Garuun iyo Gasiin”, waxaana ka soo qeyb-galay madax ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, qorayaal, fannaaniin, aqoonyahanno iyo marti sharaf ka timid magaalooyin ka mid ah waddanka Jarmalka.
Wasiirka Sadiiq Warfaa, oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay reer Switzerland u qiimeynayaan qorayaasha Soomaaliyeed, waxaana uu ku guubaabiyay dadka halkaasi ku nool inay carruurtooda barraan afka Soomaaliga, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan Midnimadooda.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Sweden ahna qoraaga buugga Godob iyo Galad Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo isna daah-furkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyntii sheegay inuu la wadaagayo dadka Soomaaliyeed ee Switzerland salaan uu uga sido Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu ka qeyb-galayaashii xafladdaasi uu uga warramay dadaalka ay Akadeemiyaddu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo ku booriyay waalidiinta magaalada Zurich inay xil iska saaraan sidii ay ilmahooda u barri lahaayeen afkooda hooyo.
Bashiir Cali Xuseen, oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo qadariyo oo ah qoraaga buugga Bidhaamiye iyo Ustaad Cabdiraxiim Hilowle Galayr oo isna ka hadlay buugga Gaso, Garuun iyo Gasiin ayaa mid walba waxa uu si gaar ah uga sheekeeyay nuxurka iyo cutubyada uu ka kooban yahay buug kasta oo ka mid ah buuggaagtaasi.












