Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacey oo Khasaarahii ay Gaysteen Isa Soo Tarayaan Burbur Hantiyeedna Ku Jiraan.

0
14

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo gaariga qarxay rasaas ay ku fureen ciidamada ammaanka kahor inta uusan qarxin.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa ka ag-dhow Xarumaha Wasaaraddaha  Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale xarunta Golaha Shacabka.

Qaraxa Labaadna uu ka dhacay Meel ku dhaw Bar Control oo Ku taala Wadada Aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.
Tirada Dadka Dhintey ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay Gaareyso Illaa 7 Tobo Ruux Halka 15 Ruuxna ay Ku Dhaawacmeen iyo Burbur Hantiyadeed oo Balaarana uu Ka Dhacey Agagaarka Meelaha Qaraxyadu Haleeleen Iyadoo Booliska Federalku Sheegeen in ay Hayaan Hal Qof oo Kamid ah Dadkii Qaraxyada Fulinayey.