Qaban Qaabada iyo Magacaabista Gudiga La Dagaalanka Musuqa oo Barlamaanka Federalku Wado.

0
338

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Ajendaha kullanka xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ayaa ah u codeynta hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq.

Kulamadda xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana cidii maqnaata lala xisaabtami doono.