Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Oo Cambaareeyey Falkii Lagu Laayey Dad Rayid ah Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.

0
14

Masuuliyiinta Qaar Kamid ah Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa Si Caro Leh u Cambaareeyey Falkii Lagula Kacey Dad Muwaadiniin Rayid aan Waxba Galabsan oo Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Lagu Laayey 15/06/2019 Kuwaas oo Dhamaantood Kasoo Jeeda Maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiintan oo Kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Aayaha Shacabka Muqtaar Cali,Gudoomiyaha Xisbiga U Hiili Dadkaaga Maxamed Bille,Gudoomiyaha Xisbiga Muwaadiniinta Salaad Cali,Gudoomiyaha Xisbiga Horumarinta Suleymaan Yusuf Cilmi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Waxey Tacsi Tiiraanyo Leh u U Direen Eheladii Qaraabadii Iyo Qoysaskii ay Ka Baxeen Marxuumiintaas Gacanta Ka Xaq Darani Dishey Iyagoo Alle uga Baryey Janadii Fardawsa In uu Ka Waraabiyo Qoysaskii,Eheladii iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeeda uu Samir iyo Iimaan Kasiiyo.

Madaxda Xisbiyada Ayaa Ka Dalbadey Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo In Caddaaladda La Hor keeno Dadkii Ka Danbeeyey Falkaas Waxashinimada ah ee aan Hore Looga Baran Dadka Soomaaliyeed Diinta Islaamka iyo Qawaaniinta Dalkana aan Meel Kulaheyn,Kaas oo Dadka Soomaaliyeed Gudaha Iyo Debedana Aad uga Xumaadeen.

Falalka Nuucan oo Kale ah Waa Markii labaad oo ay Ka Dhacaan Gudaha Maamulka Galmudug Waana Kuwo Kala Gaynaya Umadda Soomaaliyeed oo La Rabo in Mar kale Shacabku Kala Irdhoobaan Lana Siyaasadeeyo Xasuuqa Dad Aan Waxba Galabsan Xiriirka Wada Noolaansho iyo Isdhexgalka Maamulada Goboladana Darbi La Kala Dhexdhigo ee Waa In Shacabka iyo Siyaasiyiintuba Fahmaan kana Digtoonaadaan ayey Yiraahdeen Gudoomiyeyaasha Xisbiyada aan Magacyadooda Soo Sheegnay Iyadoo uu Afkooda Ku Hadlayey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux oo Nala Soo Xiriirey.