Kulan Looga Hadlayey Amniga Gobolka Banaadir oo ay Yeesheen Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka.

0
525

Kulan looga hadlayay sidii loo dardargalin lahaa wax ka qabashada nabad-galyada magaalada Muqdisho ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ku yeeshay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed iyo qaar kale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray dardargelinta sugida Amniga, Isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga Caasimadda, xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ay yaraadeen qaraxyadii inta badan ka dhici jiray, kaddib markii la xadiday isku socodka magaalada.