Deegaano Hoostaga Degmada Matabaan ee G/hiiraan oo Maleysho Beeleedyo Dagaal Ku Dhexmarey.

0
50

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo  maanta labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Tiro ka badan 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadku kudhaxmaray ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro kale oo intaa ka badanna ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Maleeshiyaadkan oo ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa waaya-dii ugu danbeeyayba waxaa ay dagaallo kala duwan ku dhaxmarayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalka uu salku hayo muran dhinaca deegaanka iyo daaqsanka la xiriira.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beellood ayaa marar badan oo  hore isku dayay in dagaalka la joojiyo hasse ahaatee waxaa muuqata in waanwaantaasi guuldareysatay, walina deegaannadii laga lagu diriray ka jiraan xiisado colaadeed.