Dawladda Dhexe ee Soomaaliya oo Kaa Hadashey Dad Lagu Laayey Magaalada Galkacyo Dhica Koonfureed.

0
533

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dil magaalada Gaalkacyo loogu geystay 9 ruux oo ahaa dad deegaan ahaa ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa sheegay in falkaasi uu yahay Mid naxdin badan, islamarkaana ay baari doonaan sidda ay wax u dhaceen.

Waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono Cidii ka dambeysay falkaasi, islamarkaana maamulka Galmudug uu ugu baaqayo in ay gacanta kusoo dhiggaan dambiliyeyaasha.

Maamulka Koonfur Galbeed oo dhankiisa ka hadlay dhacdadan ayaa dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaallada loo horkeeno dadkii ka danbeeyay dilka 9 ruux ee ka soo jeeday deegaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha ciidamada Galmudug  ayaa sheegay in  dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada  Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug,  islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka  geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9  ka mid ah Koox deegaanka ah oo  ka soo jeeday deegaannada Koonfur Galbeed.