Dadka Muqdisho oo Looga Digay in ay Guryaha Ka Kireeyaan Dadka La Shaqeeya Al-shabaab.

0
349

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa shacabka uga digay in ay guryahooda ka kireeyaan xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab ama dad aysan aqoon u laheyn oo laga yaabo in ay marka danbe dhibaato geystaan.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aan loo dulqadan doonin dadka gabaadka siiya ee guryaha ka kireeya sida uu hadalka u dhigay xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab ee qaraxyada ka geysta magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed  in ay siweyn ula Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka, islamarkaana ay qaataan digniinta ah in aysan ogolaan in guryaha ay ka kireeyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay dejisay qorsho cad,isla markaana ay dagaal kula jirto Al-Shabaab,shacabkana looga baahan yahay inay soo wargeliyaan ciddii ay ka shakiyaan.

Maalintii shalay ayeey markii labo qarax oo waaweyn lagu bartilmaameedsaday labo bar-kootarool oo ku yaala magaalada Muqdisho waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,