Wasaaradda Gaashaan Dhigga Soomaaliya oo Shaacisay Hawl Gallo Ka Dhan ah Al-shabaab.

0
524

Wasaarradda Gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya in howlgal ka dhan ah Al-Shabaab laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ay ka maamulaan Al-shabaab labada gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaadhaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in dagaalkan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray ciidamada dowladda oyo kuwa AMISOM iyo Al- shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaan kaliya ay fulin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya kaliya,si ay Al-shabaab uga saaraan labadaasi Gobol,isla markaana ay hoggaamin doonaan Wasiirada, Amniga Gaashaandhigga iyo Cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano oo ay jirtay waxaa ay tira ka dhowr jeer ku dhawaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxba kama suurtagalin balanqaadyadaa.