Shirkii Garoowe Dib U Dhac Ku Yimid iyo Axzaabta Siyaasadda oo Dalbadey Ka Qayb Galka Shirkaas.

0
30

Shirka oo maanta oo Khamiis lagu waday in uu magaalada Garoowe uga furmo dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa dib u dhacay, waxaana soconaya kulamo wada taashi ah oo la xiriira ka qeybgalka shirka.

Garoowe waxaa maalintii shalay gaaray wafdi hor dhac ah oo ka socday madaxtooyada Soomaaliya, kuwaa oo u sii gogol xaaraya ka qeybgalka shirka madaxda ugu sareysa dalka.

Laakiin wali waxaan tagin magaalada Garoowe madaxda dowlad gobolleedyada oo lagu waday in maalintii shaleyba ay gaaraan halkaa si maanta uu shirku u furmo.

Warar hoose oo soo baxay ayaaa sheegaya in beesha caalamku xoogga ku saareyso madaxda ugu sareysa dalka ka qeybgalka shirka, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen.

Maalinta Sabtida ah ayaa ugu danbeyn la filayaa in shirku ka furmo magaalada Garoowe oo intiisa badan looga hadli doono xalinta khilaafka dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Ayaa Iyaguna Dalbadey In Shirkaas Laga Qayb Geliyo Maadaama Bay Yiraahdeen ay Qayb Ka Yihiin Siyaasadda Laga Wada Hadlayo Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasadda Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux oo La Hadlay Warbaahinta Warsom ayaa Sheegay in ay Xaq U Leeyihiin In ay Ka Qayb Noqdaan Mar Kasta oo Laga Wada Hadlayo Siyaasadda Dalka oo uu Ugu Horeeyo Shirka Garoowe Ee Hada Loo Balansanyahey.