Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo Loo Diyaariyey Askar Ka Badan 1.600 Askeri.

0
354
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojinaysa amniga goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo diyaar garow la xiriira uu ka socdaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Imtixaanka oo ay qaadayso wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay Ardayda inay ku gali doonaan goobo aan ahayn dugsiyada ay wax ku baran jireen.
Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulshadda gobolka Banaadir,Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay maamulka inuu diyaariyay dhammaanba adeegyada dowliga ah ee ay u baahanyihiin ardayda ka qeybgalaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare.
Maamulka wuxuu xaqiijiyay inay sugi doonaan amniga 1,600 oo askari oo tagi doonaa goobaha lagu galaayo Imtixaanka.
Kumannaan arday ah ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo Sabtida berri ah lagu waddo inuu ka billowdo caasimadda Muqdisho iyo dowlad-gobolleedyada qaar.