Degaanada Jubaland oo Abaabul Dagaal Ka Socdo Al-shabaabna Ku Wajahan iyo Xaaladda Waqtigan.

0
360

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab, waxaana dhaqdhaqaaqyada ciidan ee halkaa ka soconaya horkacaya madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday deegaanka Baar-sanguuni,waxana saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ma’aha markii ugu horeysay ee uu madaxweynuhu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee dhowr bilood ka hor ayuu dagaal ku dhawaaqay,isaga oo waliba soo bandhigay dhoolatus ciidan balse aan waxba ka hirgelin.

Kulamo kala duwan oo dhaxmaray saraakiisha ciidamada iyo madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay in la qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

Deegaanno ka tirsan labada Gobol ee Jubbooyinka ayaa waxaa maamula Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.