Dawladda Federalka Soomaaliya oo Maamul Goboleedyada Ku Eedeysey Diidmada Meelmarinta Xeerka Badrolka.

0
385

Wasiirka Wasaaradda Batroolka dowladda Soomaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo markii ugu horeysay ka hadlay sharciga Batroolka oo ay meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay maamul gobolleedyada in ay dano gaar ah ka leeyihiin diidmada sharciga ay ansixiyeen Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay sharcigaas u diideen maamul goboleedyada ay tahay inay ka waayeen dano u gaar ah, wuxuuna meesha ka saaray dooda madaxda maamul goboleedyada ee ah inaan laga tala gelin sharciga.

“Sharciga waan la wadaagnay, waana ka talo gelinay maamulada, Inta doodeysa ee ka soo horjeesatay waxay doonayaan waxyaabo gaar ah” ayuu yiri Wasiir C/rashiid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo diidmo kala horyimid sharcigan waxey baaq u jeediyeen beesha Caalamka, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneyn sharcigan oo Xukuumada kaligeed ay si gaar ah u maamulatay.

Sharcigan Batroolka oo ay meelmariyeen Golaha Shacabka ayaa ahaa qoddobkii leysku mariwaayay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe oo ay ku soo kala tageen madaxda ugu sareysa dalka iyo dowlad gobolleedyada.